Tuesday, June 24, 2025

C/weli Muudey oo Dood ka dhaliyey Dib u habeynta Dastuurka & Cabdi Qeybdiid oo u jawaabay [Akhriso]

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacab ka C/wali Ibraahin Muuday ayaa shaki weyn geliyay sharcinimada dib u habeynta Dastuurka dalka ee hadda socota.

C/weli Muudey oo hadal kooban la siiyey kadib warbixintii Guddiga Dib u eegusta Dastuurka ka jeediyeen Baarlamaanka ayaa sheegay in caqabado badan ay hortaagan yihiin Dastuurka, taasoo ay ay ka mid tahay arrinta Somaliland oo aan lagu xusin warbixinta Guddiga.

“Aniga ma aaminsani Dasatuurka in uu noqon karo Dastuur sax ah inta Somaliland maqan tahay” ayuu yiri C/weli Muudey oo buuq ka abuuray fadhigii Golaha ee maanta, taasoo keenay inuu hadalka qaato Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo isagu ku dooday in Dastuurka uu yahay mid ku eg koonfurta Soomaaliya oo kaliya, inta Somaliland maqantahayna uusan noqon doonin Dastuurka sax ah.

Dhinaca kale Guddoomiye Guddiga Dastuurka labada Gole ee Baarlamaanka Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) ayaa ka jawaabay doodda uu abuuray Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka C/weli Muudey isagoo sheegay in Dastuurka sax noqon doono marka loo qaado Afti dadweyne.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON