Sunday, July 13, 2025

C/weli Muudey oo farriin culus u diray Kheyre iyo Xukuumadiisa: “Meel barwaaqo ah ayaad timaadeen”

Kusimaha Madaxweynaha Soomaaliya ahna C/wali Sheekh Ibraahin MUudeey Guddoomiye Ku xigeenka kowoaad ee Golaha Shacabka ayaa farrriin culus u diray Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya iyo qaar ka mida wasiiradiisa.

Isagoo ka hadlayay xafladii xil wareejinta amaamulka G/Banaadir ee xalay ka dhacay xarunta dowladda Hoose ee Muqdisho ayuu sheegay inaysan habooneyn in la xaqiro waxqabadkii xukuumadihii hore ee dalka soo maray oo ku soo shaqeeyay xaalad adag.

C/weli Muudey ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaare Khayre iyo Golihiisa Wasiirada ay dalka yimaadeen iyadoo wax kasta ay nidaamsan yihiin oo marxalad adag laga sooo saray dalka iyaga hortood, qof kasta oo Somali ah oo wax u qabtaan dalka inuu mudan yahay ku ammaanida shaqada Qaranka, laakiin aanan la xaqijiri wixii uu soo qabtay.

“Saaxiibkey Khayre iyo Wasiiradiisa qaar ka mid ah ayaa waxay sheegtaan inay iyaga kaliya wax qabteen…. waxaan goobjoog usoo ahaa 2009 Xildhibaan baahi ugu dhintay Magaaladan markii wax uu cuno waayay qof uu shaxaadana garan waayay…. Maantana waad arkeysaan meeshaan quruxda badan ee aad xilka kula kala wareegaysaan. ..Dad ayaana keenay ee iskama imaanin. Taabid iyo Yariisowna ma keenin ee waa laga horeeyay ee ilaahey halagu xamdiyo meel barwaaqo ah ayaad timaadeene.” Ayuu  si kulul u yiri Muudeey xilli uu khudbad ka jeedinaayay Aqalka Dowladda hoose.

Ra’iisal Wasaare Khayre ayaa halkudhi ka dhigtay “Markii ugu horeysay” isagoo howl kasta oo xukuumadu qabato u fasira mid ay meel eber ah iyagu bilaabeen, waxaana arrintan ay ka careysiisay madaxdii hore iyo dadkii u soo joogay Soomaaliya xilliyadii ay soo martay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON