Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha shacabka C/weli Ibraahim Muudey ayaa shaqadii ka joojiyay Xoghayihi guud ee Baarlamaanka Soomaali C/kariin Xaaji Cabdi Buux.
Qoraal uu soo saaray C/weli Muudey ayuu ku eedeeyay xoghayaha Golaha shacabka inuu ku milmay khlilaafka siyaasadeed ee Barlamaanka, kana baxay shaqadii loo igmaday, wuxuuna si KMG ah xilkiisii ugu magacabaay inuu sii wado ku xigeenkiisa Maxamed C/llaahi Cabdi Ciyow.
Tallaabada uu qaaday C/weli Muudey ayaa uga sii dareysa xaalada ka dhex taagan guddoonka Barlamaanka, iyadoo la ogyahay in Guddoomiye ku xigeenka koowaad uu ahaa gooni u socod aan cidna ka heysan shaqaalaha baarlamaanka iyo xogheynta, iyadoo uu hadda u muuqdo inu sameysanayo xogheyn cusub.
AKHRISO QORAALKA