Tuesday, July 8, 2025

C/weli Muudey oo soo saaray Amar ku socda Xildhibaannada oo ku saabsan Mooshinka Guddoomiye Jawaari

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya C/weli Ibraahim Muudey ayaa markii ugu horeysay muddo toddobaad ku dhow ka hadlay xaaladda Baarlamaanka oo u xayiran inuu furmo.

Shir jaraa’id oo uu goor dhoweyd qabtay ayuu ku shaaciyey amar ku socda xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, siiba kuwa Muqdisho ka maqan, isagoo faray inay dalka soo galaan, si loo guda galo Mooshinka ka yaalla Guddoomiyaha Baarlamaanka, isla markaana cod loogu qaado mooshinkaasi.

C/weli Muudey ayaa shirkiisa jaraa’id oo aad u koobnaa wuxuu xildhibaannada ugu baaqay inay ilaaliyaan sharciga Baarlamaanka iyo xeer hoosaadka, laakiin ma jirin wax waqti ah oo uu u qabtay xilliga uu furmayo Baarlamaanka, wuxuuna diiday in wax su’aallo ah la weydiiyo.

24 bishan ayaa waxaa dhamaanaya mudadda 10-ka berri ah ee xeer hoosaadku dhigayo in lagu guda galo mooshinka laga keeno guddoonka Baarlamaanka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON