Waxaa magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga maanta lagu aaasay caalimkii weynaa ee Islaamka Sheekh Maxamed Cali Saabuuni oo u dhashay dalka Syria, kuna noolaa Turkiga.
Sheekha ayaa ku geeriyooday da’da 91 sano, wuxuuna geeriyooday Jimcihii shalay, iyadoo salaadda Janaasada lagula tukaday Duhurtii maanta Masjidka Faatix ee magaalada Istanbul, waxaana ka qeyb galay mas’uuliyiin, siyaasiyiin iyo culimada waaweyn ee dalka Turkiga iyo dalalka carabta.
Sheekh Maxamed Cali Saabuuni wuxuu ahaa guddoomiyaha Hay’adda Culimada dalka Syria. Wuxuu si weyn uga hor yimid nidaamka dalka Syria iyo madaxweynaha dalkaasi Bashaar Al-asad ku tilmaamay Beenaale ay tahay in lala dagaalamo, wuxuuna si buuxda u taageeray jabhadda ku kacay dowladda Syria. Wuxu muddooyinkii danbe ku noolaa dalka Turkiga.
Sheekha wuxuu sanadkii 1930 ku dhashay magaalada Xalab (Aleppo) ee dalka Syria, kadibna wuxuuna sanadkii 1955 ka baxay Kulliyadda Shareecada Jaamacadda Azhar ee dalka Masar, waxaana lagu tiriyaa culimada waaweyn ee ku takhasusay cilmiga Tafsiirka, Qur’aanka iyo Xadiiska, isagoo alifay in ka badan 55 kitaab.

Kitaabadiisa caanka ah ee uu qoray sheekha waxaa ka mida:
صفوة التفاسير
مختصر تفسير ابن كثير
مختصر تفسير الطبري
التبيان في علوم القرآن
روائع البيان في تفسير آيات الأحكام
قبس من نور القرآن
Allaha u naxariistee Sheekh Maxamed Cali Saabuuni waxaa laga duubay in ka badan 600 fadhi oo ah tafsiirka Quraanka kariimka oo ka baxay Telefishanada dalalka Carabta.