Monday, June 23, 2025

Caasha Xaaji Cilmi oo Dacwad ku soo oogtay kursi uu ku guuleystay Musharixii Madaxtooyada

Wararka laga helayo magaalada Cadaado ayaa sheegaya in xildhibaan shalay lagu doortay magaalada Cadaado ay dacwad ka taagan tahay kursigiisa.

Kursigan Beesha Saleebaan/Gaabane ayaa la soo weriyay in hore loogu qoondeeyay inay ku tartamaan haween oo qura, taasoo uu diiday madaxweynaha Galmudug oo gacan ka helay Guddiga Doorashada, waxaana dooroashadii shalay ka dhacday Cadaado kursiga ku guuleystay Maxamed Abtidoon oo ah musharax ay wadatay Madaxtooyada Soomaliya.

kursiga-cadaadoCaasho Xaaji Cilmi oo tartanka kursiga ka baxday ayaa la sheegay inay dacwad ka gudbisay Kursigan, waxaana la sheegay inuu ka mid noqday kuraasta la isku heysto ee dacwad laga furay, waxaana laga cabsi qabaa in la laalo.

Ad

Caasho Xaaji Cilmi ayaa ku eedeysan Villa Somalia iyo madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed inay ka danbeeyaan waxa ka dhacay Cadaado oo kursi ay lahaayeen haween la siiyay qof rag ah.

Guddiyada Xalinta Khilaafaadka iyo Guddiga heer federaal ee dadban ayaa dib u riixaya dacwooyinka kuraasta la isku heysto iyadoo la sheegay inay wax go’aan ah ka gaareynin ilaa kulanka ugu horeeya ay isugu imaanayaan xildhibaanada  la doortay.

DAHGEYSO WAREYSIGA VOA EE CAASHA

- Advertisement -

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON