Wararka laga helayo magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar lasoo taagay Maxkamad.
Cabdi Iley oo xasnaadii ay ka qaadeen Baarlamaanka DDSI ayaala xiray Isniintii isagoo laga qabtay guri uu deganaa oo ku dhow hotelka Atlas ee magaalada Nairobi, waxaana xeer ilaalinta Itoobiya ay ku soo oogtay dembiyo ay ka mid yihiin kicin qalalaase iyo dembiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.
Mas’uuliyiinta kale ee Cabdi Iley lala soo taagay Saaka maxkamadda ayaa waxaa ka mida:
1- Abdi jamal Kelonbi : – Wasiirkii Cadaaladda
2- Rahma Mohammed : – Wasiirkii haweenka
3- Ibrahim Mehd :- Wasiirkii waxbarashada
4- Deeq Cabdullaahi
5- Ibrahim Mohammed Mubarek – Duqa magaalada Jigjiga
5- Cumer Abdi – madixii siyaasadda ee ee xibiga Ethiopian Somali People Democratic Party (ESPDP)