Thursday, June 26, 2025

Cabdi Xasan Dhuxulow oo loo doortay Xildhibaan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya

Xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhegdheer) ayaa loo doortay xildhibaan ka tirsan Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Doorashada oo ka dhacday magaalada Cadaado ayaa waxaa la tartamay haweeney lagu magacaabo Luul Maxamed Sheekh Cusmaan iyadoo isku heystay kursiga Beesha Murusade ee Aqalka sare.

doorashada-aqalka-sare-galmudug1Cabdi Axmed Dhuxulow oo saameyn ku dhex leh Beeshiisa isla markaana ka tirsan kooxda Aala sheekh  ayaa ka guuleystay xilkan.

Waa Xildhibaankii saddexaad oo ay aqlka sare u  doortaan Baarlamaanka Maamulka Galmudug. Waxaa hore beelaha Saleebeen iyo Sacad kuraastoodii loo kala doortay Abshir Axmed Maxamed (Bukhaari) iyo Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) sida ay u kala horeeyaan.

Waxaa weli magaalada Cadaado ka socda doorashada xildhibaanada Aqalka sare oo 8 ka mida ay kuraastoodu taallo halkaasi.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON