Friday, June 27, 2025

Cabsi laga qabo weerarro argagxiso oo ka taagan magaalo ka tirsan Holland

Gaari ay saaran yihiin haamo shidaal oo yaryar ayaa laga helay meel u dhaw goob lagu qaban lahaa bandhig faneed oo ku taalla magaalada Rotterdam.

Arrintaas ayaa dhacday saacado uun ka dib markii macluumaad laga helay booliiska Spain uu horseeday in la baajiyo bandhig faneedkii goobtaas lagu qaban lahaa.

Booliiiska ayaa xiray darawalkii baska oo ka diiwaan gashanaa Spain ama taariikada Spain ay ku xirnayd, sida uu booliiska u sheegay Ahmed Aboutaleb oo ah duqa magaalada.

Kooxda bandhig faneedka qabanaysay ee Maraykanka oo la dhoho Allah-Las ayaa badanaa loo diraa hanjabaado magaca ay wadato awgeed.

Bandhigfaneedka ayaa ka dhici lahaa xarrunta The Maassilo ee dalka Netherlands balse digniinta la helay ayaa sababtay in la baajiyo wakhti aad ugu dhaw markii ay bilaabi lahaayeen bandhigga.

Si kastaba ha ahaatee Ahmed Aboutaleb ayaa sheegay in aysan caddayn in ay xiriir leeyihiin baskan iyo digniinta argagixiso.

Digniintan ayaase ku soo aaday iyadoo ammaanka sare loo qaaday ka dib markii uu dhacay weerarkii Spain ka dhacay.

SourceBBC

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON