Garsoorka dowladda Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa laba jeer xiray dacwado lagu soo oogay C/rashiid janan, meeshana ka saaray Dacwado loo heystay oo lagu soo oogay.
Xeer ilaaliyaha guud Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa soo saaray Qoraal 22 Maarso 2021, balse la faafiyey 5-tii April 2021, wuxuuna ku sheegay in markii uu eegay danta guud uu xiray Gal Dacwadeedkii ku furnaa C/rashiid Xasan C/nuur (Janan).
Waxaa kaloo la faafiyey Qoraal ka soo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo baxay 23 Maarso 2021 oo lagu tixraacay warqaadda hore ee Xeer ilaaliyaha guud, taasoo maxkamaddu ku aqbashay xiritaanka Dacwadii ku furneyd C/rashiid Janan iyo Amarkii soo qabashada ee Maxkamadda kasoo baxay.
Waxaa qoraaladan oo shalay uun la faafiyey, laakiin lagu taariikheeyay ka muuqda in hal meel lagu wada daabacay, laguna beegay xilliga maalin ka hor markii C/rasdhiid Janan uu heshiis la galay dowladda Soomaaliya, laguna soo dhoweeyay maaalada Beledxaawo isaga iyo ciidamo uu wato.
Waa markii labaad ee dowladda uu hoggaamiyo Maxamed C/llaahi Farmaajo ay laasho cadaaladii, ayna arrimo siyaasdeed dartood Xeris Gal Dacwadeed iyo cafis u fidiso C/rashiid Janan, waxaana isla Maxkamadda Gobolka Banaadir ay April 2019 xirtay kiis Dacwad oo ku furnaa C/rashiid, kaasoo ku saabsanaa qodobka 434 ee CQS oo ah Dil, iyadoo ay markaas sheegtay Maxkamaddu inay tixgelisay codsi ka yimid Xeer ilaalinta.
Dacwad xiristii hore waxay timid xilli Garoonka Muqdisho lagu soo dhoweeyay C/rashiid Janan oo dowladda Farmaajo ay dooneysay inuu kala shaqeeyo si meesha looga saaro Axmed Madoobe, balse markii uu heshiiskaasi uga baxay ayaa mar kale laga qabtay Garoonka Muqdisho Bishii Ogost 2019, iyadoo Hay’adda NISA ay ku xirtay Muqdisho, kadibna la sheegay inuu baxsaday.
– Ciidamada NISA oo Garoonka Muqdisho ka qabtay C/rashid Janan
Dowladda Farmaajo ayaa mar kale dacwad kale kusoo oogtay C/rashiid Janan iyadoo aan la is weydiin sida uu ku baxsaday, waxaana arrintiisa la gaarsiiyey Booliska Caalamiga ah ee Interpol si dowldda loogu so gacan geliyo, laguna tilmaamay in loo heysto denbiyo dagaal oo ka baxsan bani’aadamnimada.
Maxaa ku qarsoonaa xiritaanka C/rashiid Janan (Qorshihii fashilmay ee Doorashada Jubbaland)
Waxaa kusoo xigtay cafiska iyo xeritaanka kiiska mar labaad loo heystay C/rashiid Janan, taasoo muujineysa si Garsoorka loo siyaasadeeyay xilliga Farmaajo oo hadba loo weeciyo rabitaanka Madaxtooyada Soomaaliya.


