Friday, June 27, 2025

Cali Cosoble oo degdeg u tegaya Jowhar & Wararkii ugu danbeeyay Mooshinkii xil ka qaadistiisa

Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in xildhibaanada maamulka Hirshabeelle ay wadaan qorshe ay degdeg xilka uga qaadayaan madaxweynaha maamulkaasi Cali C/llaahi Cosoble.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii ay mooshin ka gudbiyeen xildhibaano ka badan 53 oo ku eedeeyay madaxweynah Hirshabeelle qodobo ay ka mid yihiin xil gudasho la’aan iska hor keenka beelaha maamulkaasi.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka oo mooshinka qabatay ayaa la sheegay inay wado qorshe ay ku shirayaan xildhibaanada ka horjeeda Madaxweyne Cali C/llaahi Cosoble oo ka badan kooram, taasoo ay doonayaan in kulanka ugu horeeya ay cod u qaadaan, kuna ridaan.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa la sheegay inuu ka war helay qorshaha lagu casili rabo Galabta, iyadoo la xaqiijiyay inuu ku sii jeedo magaalada Jowhar oo uu doonayo inuu ka gaarsiiyo si uu xaaladda ku furan uga hortago, isagoo ku sugnaa magaalada Muqdisho, taaso aan la hubin inuu markan ku guuleysan doono.

Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa xilligan ku qulqulaya xarunta Farjano oo uu ka furmayo kulanka baarlamaanka Hirshabeelle iyo mooshinka xil ka qaadista Cali C/llaahi Cosoble.

Cali C/llaahi Cosoble ayaa dhinaciisa soo mariyay guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle iyo ku xigeenka koowaad oo uu joojiyay inay tagaan magaalada Jowhar, laakiin guddoomiye ku xigeenka labaad ayaa howsha ka wada magaalada Jowhar.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON