Madaxweynaha xilka laga qaaday ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa baaq degdeg ah u diray beesha caalamka, isagoo dacwad u qoranaya Maxkamadda Sare.
Qoraal uu kasoo saaray magaalada Jowhar, kadib markii uu la kulmay wafdi ka socday xukuumadda Soomaaliya ayuu ku sheegay in af-gembi dhicisoobay lagu sameeyay, wuxuuna beesha Caalamka ugu baaqay inay wafdi xaqiiqo raadin ah u soo dirto magaalada Jowhar.
Qoraal ingiriis ku qoran oo uu soo saaray Cali Cosoble ayuu ku sheegay in faragelin toos ah uu maamulkiisa ku sameeyay xafiiska Ra’iisal wasaaraha, isla markaana uu doonayo inuu burburiyo maamulka Hirshabeelle.
Qoraalkiisa ayuu Mudane Cosoble ku sheegay in afgambiga sharci darrada ah ee ka dhacay Jowhar ay soo dhex gasho Maxkamadda Sare ee dalka iyo xeer ilaalinta.
Madaxweynaha xilka laga qaaday ee Hirshabeelle ayaa bilaabay inuu si joogto maalin kasta u soo saaro qoraal af ingiriis ku qoran oo ku soca beesha caalamka, kadib markii uu lumiyay xildhibaanadii maamulkiisa.
AKHRISO QORAALKA