Wararka laga helayo magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ayaa sheegaya in golaha wasiirada maamulkaasi uu shir uga socdo.
Sii hayaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa guddoominaya shirkan, iyadoo la sheegay in looga hadlayo xaaladda maamulka Hirshabeelle iyo doorashada madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle.
Cali Guudlaawe ayaa hore loogu magacaabay ku-simaha madaxweynaha iyagoo uu Jowhar ku sugan yahay madaxweynihii xilka laga qaaday ee Cali C/llaahi Cosoble, oo weli ku doodaya inuu yahay madaxweynaha sharciga ah ee Hirshabeelle.
Shirkan ayaa imaanaya iyadoo ay Magaalada Jowhar gaareen wasiiro ay dowladda Soomaaliya u dirtay xaaladda Hirshabelle, waxaana muuqanaya go’doonka uu sii galay madaxweynaha kalsoonida lagala noqday ee Cali C/llaahi Cosoble.