Tuesday, July 8, 2025

Cali Maxamed Geedi oo War kasoo saartay Waanwaanta Dowladda Federaalka & Jubbaland [Yaa u xil saatay?]

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa dowladda Federaalka ku eedeeyay inay maamul Gobooleeyada isla sinto oo khilaaf dhex maro, halkii laga rabay inay xaliso tabashadooda, kana hortagaan inta uusan dhicin.

Cali Geedi oo tegay magaalada Kismaayo ayaa ku baaqay in degdeg loo  xaliyo khilaafka ka dhex taagan maamul goboleedyada iyo dowladda Federaalka, wuxuuna sheegay inuu gogol xaar u ahaa wadahadallo iyo dhex dhexaadin la doonayo in laga dhex sameeyo dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

“Madaxda dowladda Federaalka, iyagaa laga rabaa inuu xalka ka yimaado, dowlad goboleedyada waa muhiim waa madax shacab deegaan soo doortay, dastuur u gaara ayey leeyihin, dowladdu waa inay u dhaqantaa sidii Waalid oo kale..”ayuu yiri Cali Maxamed Geeddi.

Cali Maxamed Geedi oo saaxiib dhow la ah madaxweyne Famaajo ayaa la sheegay inuu iskiis isu diray, una tegay magaalada Kismaayo si uu isugu dayo inuu isu soo dhoweeyo madaxda dowladda federaalka iyo Maamul Goboleedyada, wuxuuna magaalada Kismaayo uga hormaray madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh oo dowladda federaalka ka cabsi qabtay inuu khilaafka uga sii daro.

DHAGEYSO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON