Friday, June 27, 2025

Cali Max’ed Geedi: “Siyaasiyiinta dalkan soo hoggaamiyey waa inay yareeyaan xasaradda”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladii KMG aheyd Cali Maxamed Geedi oo dhinaca kale ka mida la-taliyeyaasha fara badan ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa nasiib darro ku tilmaamay ereyo kasoo yeeray madaxweynayashii hore ee Soomaaliya shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Cali Maxamed Geedi ayaa sheegay inay nasiib darro tahay xilligan in dadka looga niyad jebinayo dowladnimada la marsiiyo saxaafadda. “Waa nasiib darro maanta in shacabka la qalbi jebiyo oo ereyo colaad ah oo aan loo dulqaadan karin ay ka baxaan warbaahinta.. Waxaan ugu baaqayaa siyaasiyiinta madaxda ka ah xisbiyada ee dalka soo hoggaamiyey marxalado kala duwan inay yareeyaan xasaradaha dadka u keeni kara niyadjab…” ayuu yiri Cali Maxamed Geedi

Ugu dambeyn Madaxda Dowladda Federaalka ayuu ugu  baaqay inay xushmeeyaan,isla markaana ay soo dhaweeyaan Madaxda iyaga xilka uga horeysay maadaama ay xilka ka degi karaan una baahan yihiin in la xushmeeyo.

Cali Geedi ayaa sheegay in ereyo aan munaasib ahayn ayaa kasoo baxay siyaasiyiin aan looga baahneyn.. ninkii wax isku haya ayuu ugu baaqay inuu sugo xilliga doorasho jirta, halkaasina iska soo xaadiriyo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON