Guddoomiyaha Mandhera, Kenya Cali Roba ayaa goor dhoweyd digniin culus kasoo saaray colaad ka qaraxda magaalooyinka Mandhera iyo Beledxawo ee Xuduudka Soomaaliya iyo Kenya.
Wuxuu kaloo Cali Roba bartiisa twitter-ka kusoo bandhigay muuqaal xasaasi ah oo laga duubay ciidamada Jubbaland oo gaadiidkooda dagaalka la dhex maraya xaafadaha magaalada Mandheera ee dalka Kenya, isagoo arrintaasi ku tilmaamay halis amni oo Mandhera ka taagan.
“Xaaladda Mandheera waa sii xumaaneysaa maalin kasta. Waxaa lagu ururinayaa gudaha magaalada Mandheera ciidamada Ajnabiga ah ee Jubbaland, dhinaca kale waxaa ka socda diyaargarow ciidan oo ay wadaan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Beledxaawo. Dowladda Kenya waa inay si degdeg ugu dhaqaaqdaa inay xaaladda dejiso si looga badbaado in dad kale ay dhintaan..” ayuu yiri Guddoomiyaha Mandhera Cali Roba.
HOOS KA DAAWO
Ciidamada Jubbaland oo dhex socda magaalada Jidka Bulla Jamhuria, ee u dhow Xarunta Dhexe agagaarkaHuduma Center. Cali Roba ayaa sheegay in arrintan ay halis weyn ku tahay amniga dadka Kenyaanka ah ee ku nool magaalada Mandheera.