Monday, June 23, 2025

Cali Saciid Faqi: “In la igu tilmaamo Murtad iyo Cajaladda la jarjaray ee la qeybinayo waa siyaasad…”

Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Dr. Cali Saciid Faqi ayaa beeniyay, kana jwaabay muuqaal la faafiyey oo lagu eedeeyay inuu ugu gefay Diinta islaamka.

Cali Saciid Fiqi oo ka jawaabay muuqaal ka mid ahaa barnaamij ay baahisay qeybta warfaafinta ee Alshabaab. wuxuuna sheegay inuu yahay qof muslim ah oo kasoo jeeda qoys culimo ah, aabihiisna uu ahaa Sheekh caan ka ah magaalada Baraawe.

Wuxuu inuu cafiyey dadka iyagoo aan ka fiirsan meel uga dhacay, oo uu ka tilmaamay oday Suldaan ah oo ka hadlay degaanka Kuunya-barrow oo ku tilmaamay injuu murtad yahay. “Dadka iyagoon ka fiirsan inay meel cidla ah iga soo weerarraya oo wax aan jirin iga faafiyaan, waxaan leeyahay Allaha jidka toosan ku toosiyo” ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka K/Galbeed.

Ad

“Waxaan umadda Soomaaliyeed u sheegayaa inay dagaal ay dad siyaasiyiin ah igu soo qaadeen iyo niman dhiigga islaamka xalaal ka dhigtay oo isbaheystay kuwaas oo wareejinaya cajalad lasoo jarjaray, laguna sheegay inaan islaamnimada ku tuntay..” ayuu yiri Cali Saciid Faqi oo dhinac kale qiray inuu yahay qof gef ka dhici kar wixii uu ku gefayna uu ka towbad keenay.

Faqi ayaa kasoo muuqday warbixinta Alshabaab isagoo ka hadlaya diinta islaamka inaysan waxba u tarin dalka Sacuudiga, wuxuuna hadalkiisu ahaa “Diinta Islaamka Sacuudiga oo kun iyo afar boqol oo sano (1400) ay ka jirtay waxba wey u tari weysay, anaa idiin dhahaaya, Anaa soo arkay Sacuudiga, marka Soomaaliyana waxba u tari meyso”.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON