Weerarkii ka dhacay magaalada Munich ee dalka Jarmalka ayaa la xaqiijiyay inuu geystay, kana danbeeyay wiil 18 sano jir ah oo kasoo jeeda dalka Iiraan, kaasoo ahaa qof keligii nool, wuxuuna dilay 9 qof isagoo dhaawacay 21 kale ka hor intii aanu isaguna is dilin.
Ujeedada ka danbeysay inuu falkan ku kaco ayaan ilaa iyo hadda la ogaan, waxaana la sheegay inuu ayaa wiil xaaladiisa maskaxeed aan fadhin oo kelijoog ah, warar kale ayaa sheegaya inuu saameyn ku yeeshay xagjirkii reer Norway ee Anders Behring Breivik ee dadka badan ku laayay dalkiisa.
7 ka mid dadka uu ilay Ali David Sonboly waa dhalinyaro aad u da’ yar oo ilaa 14 sano jir ah, wuxuuna rasaasta uu furay ka bilaabay Baarka caanka ah ee cuntada fudud McDonald.
Ma jirin koox uu xiriir la leeyahay, mana jirin urur uu ka tirsan yahay, wixii uu sameeyayna waxaa loo raadinayaa faahfaahin dheeraad ah.
Dadka goobjoogayaasha ahaa qaarkood laga soo xigtay inuu wiilkan ku qeyliyay “Allaahu Akbar” markii uu rasaasta bilaabay, laakiin Booliska Jarmalka waxay sheegeen inuu keligiis ku ahaa falkan uu ka sameeyay magaalada Munich.
Goobjooge.com