Dowladii hogaanka u hayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku lug yeelatay heshiisyo waaweyn oo hay’adaha iyo wasaaradaha dowladda la galeen shirkado shisheeye iyo kuwo maxali ah, kuwaasoo dhibaatooyin ku abuuray dadka Soomaaliyeed.
Qormadan waxaa ku eegeynaa mid ka mida heshiisyada ay dowladii Xasan Sheekh la gashay shirkad Turki ah oo lagu magacaabo Albeyrak, taasoo lagu wareejiyay maamulka Dekadda weyn ee Muqdisho.
Heshiiska shirkaddan kula wareegtay Dekadda Muqdisho ayaan waxa kaliya oo laga ogyahay kharashka ay kala qeybsanayaan shirkadda iyo dowladda iyo inta sano ee uu soconayo, waxaana Baarlamaankii 9aad ee Soomaaliya ku fashilmay inuu ka hortago heshiiskaasi oo boqolaal xoogsato ahaa shaqo la’aan ka dhigay.
Go’aam baarlamaanka ku gaaray inaan dekadda Muqdisho lagu wareejin karin shirkad shisheeye ayaa socon waayay markii uu si cad uga horyimid madaxweynihii xiligaasi oo wasiir ka tirsanaa xukuumadda u adeegsaday arrintan.
Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo waxaa horyaalla dib u eegista heshiisyo gaarya 11 oo Guddi caalami ah oo ka kooban dowladda Soomaaliya iyo Hay’adaha lacagta & Bankiga adduunka ay caddeeyeen in si sharci darro ah lagu bixiyay oo aan loo marin dariiqii saxda ahaa.
Heshiisyada saameynta keenay waxaa ka mida heshiiska Shirkadda Albeyrak kula wareegtay Dekadda Muqdisho, waxaana maanta Muqdisho kadhacay bannaanbax ay dhigeen xoogsato ku shaqo beelay shirkadaasi darteed oo madaxweynaha cusub ka codsaday inuu shaqooyinkoodii ku celiyo.
LA SOCO QEYBTA LABAAD….