Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegya inuu halkaasi ka dhacay fal naxdin leh markii laba carruur ah oo walaalo ahaa meydkooda laga duleedka magaalada.
Caruurtan oo kala ahaa wiil iyo gabar ayay wararku sheegayaan in la waayey shalay, kadib markii ay aadeen Dugsi Qu’raan ay dhigtaan, balse saaka laga war helay markii meydadkooda lagu arkay meel wax yar ka baxsan magaalada Baydhabo.
Waxaa la sheegay inuu carruurtanoo lagu kala magacab ao Abdulmuncim iyo Amina uu dhalay Xildhibaan hore Aweys Cabdulaahi oo ka tirsanaa Baarlamaanka Federalka, iyadoo jirkooda lagu arkay dhaawacyo, waxaana la geeyay isbitaalka magaalada Baydhaba.
Dhacdadan oo ahayd mid aan hore loo arkin oo magalada Baydhaba ku cusub ayaa waxaa si weyn uga naxay dadweynaha, iyadoo si weyn loo hadal hayo sababta caruurtaasi loo dilay iyo cidda ka danbeysay.
