Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare Ceydiid C/llaahi Ilka-naxaf ayaa dacwad ku soo oogay Guddiga Gobollada Waqooyi ee Doorashada.
Wuxuu sheegay in dacwadiisa ay ku saabsan tahay in laga reebay liiska musharixiinta Aqalka sare ee Soomaaliya, isagoo aanu garaneyn sabab looga reebo liiska, wuxuuna si qoto dheer uga hadlay kaalintii uu uga jiray dowladda Soomaaliya iyo midnimada.
Abu-kaate Caydiid Ilka-xanaf ayaa ku dooday inuusan musharixiinta aqalka sare ku jirin qof ka aqoon badan, kana waaya aragsan, wuxuuna si weyn u dhaliilay qaabka looga reebi karo doorashada.
DHAGEYSO ILA-XANAF