Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan ayaa si buuxda u taageeray Doorashada madaxweynaha cusub ee maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble.
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan, isla markaana ka mida siyaasiyiinta gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax ayaa sheegau inuu aad ugu faraxsan yahay in la doorto madaxweynaha maamulka Hirshabeelle.
C/fataax Xasan Afrax oo u warramay Telefishanka Somali Cable ayuu sheegay in dadka Gobolka Hiiraan ay si weyn u taageerayaan dowladda cusub ee u dhalatay, isla markaana aanu jirin maamul kale oo Beledweyne ka jira ama ka jiri kara.
“Waxaan idin sheegayaa beri maahee, Beri dambe ay madaxda Hirshabeelle ka degi doonaan magaalada Beledweyne” ayuu yiri C/fataax Xasan Afrax oo intaas ku daray in guul weyn laga gaaray dhismaha maamulka labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Goobjooge.com