Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xaalad heegan ah la geliyay ciidamada xasilinta ee caasimadda, taasoo ay ugu wacan tahay xaalad amni.
Wararka ayaa sheegaya in laga war helay warar sirdoon oo ku saabsan inuu magaalada soo galay gaari qaraxyo ku rarran yihiin oo la doonayo in qarax lagu geysto. Ciidamada ammaanka ayaa ku daba jira sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka sidii gaarigaasi gacanta loogu dhigi lahaa.
Ciidamo feejigan ayaa lagu arkayaa isgosyada iyadoo ciidamada ammaanka ay isha ku hayaan dhaqdhaqaaqa gaariga oo wararka qaar ay sheegayaan inuu yahay kuwa nooca raaxada ah.
Xaaladda Muqdisho ayaa muddooyinkan dambe waxaa ka dhacayay falal amni darro ah oo qaraxyo iyo khaarijin isugu jira.