Wednesday, June 25, 2025

Ciidamada Ahlu suna oo Magaalada Dhuusamareeb ku xiray weriyihii Universal

Ciidamada maamulka Ahlu suna ee magaalada Dhuusamareeb ayaa xabsiga u taxaabay weriyihii e  Tv-ga Universal iyo Idaacadda Goobjoog ee Muqdisho  Maxamed C/weli Tooxoow.

Wararka ayaa sheegaya in weriyaha ay kaxeysteen ciidamada Ahlu suna xilli  shaqadiisa ku howlanaa, waxaana loo dhaadhiciyay xabsiga dhexe ee Magaalada Dhuusamareeb iyadoo aan faahfaahin laga bixin xarigiisa.

Amarka lagu xiray weriyaha ayaa la sheegay inuu bixiyay taliyaha Amniga degmada Dhuusamareeb Xasan Quuri. waxaana la sheegay inuu ahaa saxafi saaxiib la ah maamulka Ahlusunna.

Xariga weriyaha ayaa yimid  kadib markii uu saaka  muuqaallo ka duubay xarumaha ay ku shaqeeyaan Maamulka Ahlusuna.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON