Magaalada Boosaaso ayaa lagu qabtay hub kala duwan oo lagu qabtay hawlgallo ay ciidamada ammaanka magaaladaasi sameeyeen.
Hubkan oo warbaahinta loo soo bandhigay ayaa waxaa ka mida: Bambaanooyinka nooca Gacanta laga tuuro iyo Rasaasta Madaafiicda Hoobiyeyaasha iyo rasaas kala duwan. Saraakiisha Ciidamada magaalada Boosaaso ayaa saxaafadda u sheegay in gacanta lagu dhigay raggii watay waxyaabaha qarxa iyo hubka.
Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliiska Gobolka Bari Axmed Jaraale oo ka mida ahaa saraakiisha goobta ka hadashay ayaa sheegay inay in howlgallo kale ay ka socdaan magaalada.