Ciidamada Amniga magaalada Muqdisho ayaa ka hor istaagay saaka xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya inay ka gudbaan Bar Koontarool oo laga ilaaliyo Garoonka Muqdisho.
Xildhibaannada arrintan la kulmay ayaa sheegay in ciidamada ku sugan Barta Koontroolka KM4 ay u diideen inay iyaga iyo ilaaladooda ka gudbaan bartaasi, iyagoo u sheegay in amar lagu siiyey arrintan oo wax faahfaahin ah aan la siin sababta, waxaana halkaasi ka laabtay xildhibaano dhowr ah oo intooda badna u socay Hotelka Jazeera ee u dhow Garoonka Muqdisho.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in laga soo celiyey Kontrolka KM4, iyadoo aan loo sheegin wax sabab ah oo kaliya ciidamada ay ku wargeliyeen inu yahay amar la siiyey.
Wararka qaar ayaa sheegaya in arrintan ay ka danbeysay markii wafdi ka socda dowladda Kenya uu imaanayey caasimada Muqdisho oo Amniga si weyn loo adkeeyay.