Wednesday, August 6, 2025

Ciidamada Amniga oo Burcad kusoo qabtay Xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho

Ciidamada Amniga magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku soo dhigay koox burcad ah oo fadhigoodu ahaa Xaafadaha Degmada Dharkeynlay ee Gobalka Banaadir.

Kooxda ay soo qabteen Ciidamada booliska ayaa la sheegay inay habeenkii dhac ku hayeen dadka ku nool Waaxda Saddexaad iyo Afraad ee degmada Dharkeynley, waxaana la qabtay laba ka mida kooxdaasi.

Ciidamada ayaa xalay howlgal baaritaan ah ka sameeyey qaar ka mida xaafadaha degmada Dharkeynley oo falal amni darro ah ay cabasho ka keeneen dadka xaafadahaasi ku nool.

Ciidamo boolis ah oo fara badan ayaa la geeyay xaafadaha iyo suuqyada magaalada Muqdisho, iyadoo howgallo ka socdaan suuqyada Bakaaraha oo dhowaan lagu dilay xubno ka mida burcadda dhaca geysata.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON