Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in wadooyinka Magaalada Muqdisho ay maanta kala xiran yihiin, kadib markii ciidamada Nabadsuggida la dhigay wadooyinkaasi.
Inta badan Isgoysyada gaadiidka ay maraan ee Magaalada gudaheeda ayay ciidamadu xireen, iyadoo muddooyinkii danbe ay dadka Muqdisho ka reysteen wado xirista oo ay dhibaatooyin badan ku qabeen, waxaana la arkayey iyadoo loo diidayo Gaadiid u gudbaya dhanka wadada Maka Al-Mukarama.
Arrintan ayaa la sheegay inay salka ku heysto iyadoo madaxda dowladda Federaalka ee maalmahan ku suganaa magaalada Baydhaba ay dib ugu soo laabanayaan caasimadda. Ciidamada ayaa u diidaya gaadiidka shacabka guud ahaan inay u soo gudbaan dhanka wadada maka Al-Mukarama, xittaa gaadiidka waxaa loo diidayaa inay maraan wadooyinka qarda jeexa ah oo ciidamo ayaa la soo dhigay.
Dadka Muqdisho ayaa dhowaanahan ka nastay xirnaanshaha wadooyinka Magaalada, kadib markii ciidamada NISA Koontarooladii ay joogeen laga qaaday oo la geeyay wadada Warshadaha.