Ciidamada Nabadsugida iyo ciidamada gaarka ah ee Booliska Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigaan maleeshiyooyin falal amni darro iyo baad ah ka geystay degmada Kaaraan oo dadka degaankaasi ay bannnabax uga cabteen maanta.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa sheegay in la soo qabtay oo xabsiga la dhigay maleeshiyooyin falalka amni darro ka waday degmada Kaaraan, Waxaana lagu soo bandhigay Saldhigga Booliska degmada Kaaraan, iyadoo ku sugnaayeen Gudoomiyaha degmada Kaaraan, Afhayeenka Wasaaradda amniga iyo Saraakiil ka tirsan Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliya.
Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaadkan ay laba qof ku dileen suuqa degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, waxayna arrintaai dhalisay in Suuqaasi gebi ahaan la xiro maanta ayna dhacaan bannaanbaxyo looga horjeedo.