Ciidamada amniga ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen nin ka mid ahaa koox hubeysan oo galabta xaafadda Buundooyinka ee degmada Waaberi ku dishay Askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda.
Afhayeenka Wasaaradda Amnigag Gudaha ayaa sheegay inay kooxda dilka geysatay ay degmada gudaheeda ku toogteen Askari, kadibna ay isku dayeen in ay baxsadaan balse ciidamo halkaasi ku sugnaa oo dabagal ku sameeyay ay u suuragashay in ay gacanta ku dhigaan mid ka mid ah ragga dilka geystay.
Wararka ayaa sheegaya in askariga lagu dilay degmada Waaberi uu ka mid ahaan jiray ilaalada Guddoomiyihii hore ee degmada Waaberi Axmed Meyre Makaraan (Axmed Faal) oo hadda ah Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Isla maanta waxaa degmada Hodan, agagaarka Jaamacadaha ay koox hubeysan ku dileen Farxaan Barkhadle oo ka tirsanaa saraakiisha Ciidamada xoogga dalka.