Tuesday, June 24, 2025

Ciidamada Amniga oo la wareegay xarumaha shirkadaha ku shaqeeya FOREX-ka ee magaalada Muqdisho

Ciidamada booliska dowlafda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xalay la wareegay inta badan xarumaha shirkadaha ka shaqeeya sarifka Online-ka ee loo yaqaan Forex, ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

Talaabada ciidanka ey qaadeen ee lagu weeraray xarumahan ayaa imaneysa kadib markii Bankiga Dhexe ee Soomaaliya uu shalay soo saaray amar lagu faray  dhammaan Bankiyada Ganacsiga inay ku xiraan xisaabaadka Suuqa Sarifka lacagaha Qalaad ee loo yaqaano Forex Trading, kaasoo muddooyinkii u dambeeyay aad ugu soo xoogeysanayay magaalada Muqdisho. 

Sida ay sheegayaan wararka, ciidamada ayaa ku amray dhammaan dadkii ku sugnaa xarumaha la weeraray, inaysan jirin wax lacag ama agab oo ay ka qaadi karaan goobahaasi.

Amarka oo ka soo baxay Guddoonka sare ee Maamulka Bankiga Dhexe ayaa lagu sheegay in qaraar lambarkiisa yahay 43/G, kaasoo lagu farayo in sida ugu dhaqsiyaha badan Bankiyada gaarka loo leeyahay ay ku xiraan dhammaan xisaabaadka (Bank Accounts) ee Ganacsatada iibiya lacagaha qalaad ee suuqyada caalamiga ah Forex Trading uga furan bankiyada.

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi oo isaga oo ku sugan dalka Imaaraadka Carabta la hadlay VOA ayaa sheegay inay soo gaartay cabashooyin ka dhan ah shirkadahan oo ay soo gudbiyeen shacabka.

Maalmihii dhowaa ayaa waxaa usoo xoogeystay dadka ka cabanaya in loo been sheegay, ayada oo lacago badan looga qaatay inay helayaan faa’iido xad dhaaf ah, balse markii dambe aysan dhicin, sida uu sheegay guddoomiyaha.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay inaysan jirin wax ogolaansho ah oo Bankiga uu u siiyey shirkadahan inay ka ganacsadaan sarrifka lacagaha, taasi oo ah shaqada Bankiga Dhexe inuu la socdo.

Kadib markii uu so shaac-baxay amarka lagu xiray xisaabaadka shirkadaha Forex-ka, ee uu soo saaray Bankiga Dhexe, ayaa dadweyne badan oo ay lacago u yaalaan goobaha la-weeraray waxay billaabeen inay deg deg ku gaaraan xarumaha, si ay lacagahooda ula baxaan.

Ganacsiga Forex ayaa horey loo sheegay inuusan banaaneyn diin ahaa, sida ay fatwoodeen culimada Soomaaliyeed.

Culimada oo isugu timid masjidka Abuu Hurayra ee magaalada Muqdihso, ayaa shaaciyay xukunka dhinaca diinta ee dadka islaamka ah kaga aadan shirkaddahan ay sheegeen iney ku shaqeystan sarifka Online-ka ee Forex, waxaana ay tilmaameen inuu yahay ganacsi ku dahaaran ‘been abuur iyo ribo’ iyagoo usoo qaatay Axaadiith iyo Aayado kamid ah Quraanka Kariimka.

Culimada waxay kaloo cadeeyeen inay xaaraan cad tahay ku ganacsiga iyo kamid noqoshada ganacsigaas maadaama uu ganacsigaas iyo qofka ku jiro uu lugaha la galayo ribo, isla markaana diinta islaamka ay xukun cad ka dejisay ribada, sida ay hadalka u dhigeen.

Ka sokow xagga sharciga diinbta, dhibaatada sarifka Online-ka ayaa waxaa ka mid ah in dad badan lacagta lagala goosto.

Sanadihii lasoo dhaafay, waxaa dadka Soomaaliyeed ee ku kala dhaqan Somaliland iyo magaalada Nairobi ee dalka Kenya, usoo wajahay arrimo la mid ah kuwa ay hada wajahayaan dadka kunool koofurta Soomaaliya, iyada oo ay dhaceen ganacso isugu jirtay Hindi iyo Soomaali.

Dadkan ayaa ayaa lasheegayaa iney dhaceen shirkado lacag kaga uruuriyay lacago, oo u sheegtay in ay lacag faa’iido badan ah helayaan bishiiba, kadibna ugu dambeyn ay kala goosteen lacagahoodi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON