Tuesday, June 24, 2025

Ciidamada Amniga oo Nin burcad ahaa toogasho ku dilay xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in wiil dhalinyaro ah lagu dilay degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir.

Dilka oo xalay ka dhacay xaafada Oodweyne, agagaarka Isbitaalka Kaamil ayaa lagu dilay nin la sheegay in uu ka mid ahaa laba burcad ah oo falal dhac ka geysanayay xaafadaasi. Ciidamada amniga ayaa ku soo baxay qeylo dhaanta Haweeney ay laga dhici lahaa Telefoonkeeda, iyadoo ay cidamada rasaas ay fureen uu ku dhintay mid ka mida burcadda.

Dadka degaanka ayaa sheegay in inuu goobta ku geeriyooday mid ka mida burcadda, halka axsaday ninkii kale oo la sheegay nuu hubeysnaa. Meydka qofka la dilay ayaa la sheegay inuu yaallo goobtaasi iyadoo la aqoonsan waayay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON