Saturday, July 5, 2025

Ciidamada Amniga oo Qabtay Gaari Khudaar sida oo Qarax looga shakiyay & kala carar…

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka Muqdisho ay joojiyaan gaari weyn oo khudaar ku rarneyd, kaasoo looga shakiyay inuu sido qaraxyo.

Ciidamada dowladda gaarigan ku joojiyay wado qardo-jeex ah oo ku taalla dhabarka Xaaji Baasto, agagaarka KM 4 ee Degmada Hodan, waxaana goobtaasi xiray ciidamada iyadoo loo diiday dadka iyo gaadiidka.

Gaadiidka xamuulka ee sida weyn u rarran ayaa laga mamnuucay isticmaalkooda wadadda Maka Al-mukarama, balse gaarigan ayaa isku dayey inuu jid cadde kasoo galo, taasoo keentay in laga shakiyo.

Ciidamada ammaanka ayaa su’aalo weyiiyay Dadkii wadaha gaarigan, taasoo dhalisay in dadkii ku sugnaa agagaarkaasi ay isaga cararraan cabsi laga qabo qarax darteed, waxaana markii dambe oo la baaray la ogaaday inuusan sidin wax qarax ah.

Gaariga ayaa laga yaabaa inuu muteyso ganaax ay dhowaan soo rogtay dowladda hoose ee Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON