Sunday, July 13, 2025

Ciidamada Amniga oo soo badbaadiyey shaqaale Shirkad caan ah oo lagu Afduubtay Muqdisho.

Maamulka degmada Dharkeynley ayaa ka warbixiyey howlgal Ciiidamada amniga degmada ay kusoo furteen Shaqaale u shaqeynayay Shirkadda bixisa Adeega internetka ee Somali Optital Network oo ay koox dabley ah ay afduubteen xilli ay shaqo Kaawo gelin ka wadeen gudaha degmadaasi.

Guddoomiyaha degmada Dharkeenley Abuukar Axmed  caddeeyay in Injineerka Shirkadda uu ku soo wargeliyey in qof ka mida shaqaalihiisa la afduubtay, kadibna howlgal ciidamadu qaadeen lagu tegay goobtii ay ku heysteen ninka ay afduubteen, halkaasoo laga soo badbaadiyey, basle ay dableydii goobta ka baxsadeen, iyadoo lasoo helay gaari nooca NOAH ah ay afduubka ku geysteen.

Waxa uu sheegay kooxda afduubka geystay ay ahayd mid abaabulan oo isku xiran, iyagoo dadka guryaha dhisanaya iyo shirkadaha awood iyo afduub u adeegsan jiray, kadibna lacago madax furasho ah ka qaadan jiray.

Dableydii falkan geystay oo baxsaday ayaa raadkooda la helay, waxaana taliska booliska ay sheegeen inay ku raad joogaan, iyadoo falalkan ay ka mid yihiin kuwo qorsheysan oo degmooyinka qaar weli ka jira.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON