Sunday, July 13, 2025

Ciidamada Amniga oo soo bandhigay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda & Wiilkiisa oo Baad ka qaadi jiray…

Waxaa maanta degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho lagu soo bandhigay Wiil iyo Aabihiis oo ahaa askar magaca ciidamada Baad uga qaadan jiray dadweynaha ku nool degmadaasi, kadib markii ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada amniga dowladda.

Gudoomiyaha degmada Wadajir C/raxmaan Maxamed Macalin Cali ayaa sheegay in howlgal ay ka sameeyeen degmada ay ku soo qabteen Sarkaal ka tirsan Ciidamada dowladda iyo Wiilkiisa oo dadka lacago sharci darra ah ka qaadanayay. Sarkaalka oo ah laba Xiddigle ayaa lagu magacaabaa Cumar Qaboobe Xasan iyo wiilkiisa lagu magacaabo Khadar Cumar.

Dadka degaanka ayaa dacwad ka gudbiyey, waxaana lagu soo qabtay howlgal ay qaadeen ciidamada dowladda iyadoo lala soo qabtay laba qori oo ay wateen, waxaana loo soo bandhigay Warbaahinta markii la geeyay Saldhigga Booliska degmada Wadajir.

Labadan eedeysane ayaa lagu wareejiyey Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo kiiskooda lagu wareejiyay, lana filayo in maxkamad lasoo taago

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON