Sunday, July 13, 2025

Ciidamada Amniga oo Suuqa Bakaaraha ku toogtay Nin Burcad ah & Mid kale oo la qabtay

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada amniga ay maanta Suuqa Bakaaraha ku dileen nin burcad ah, halka mid kale gacanta lagu dhigay.

Arrintan ayaa ka dhacay agagaarka masjidka Xareed ee Suuqa bakaaraha, waxayna Ciidamadu ninkan oo bistoolad ku hubeysnaa, iyadoo goobta lagu dilay, waxaana la dhaawacay askari la socday oo ku lebisnaa dharka ciidamada milateriga oo dhaawaca lagu qabtay.

Ninka maanta la toogtay ayaa lagu seedeeyay inuu ka mid ahaa Burcad muddooyinkii dambe falal dhac ah u geysatay ganacsatada dadka taga suuqa Bakaaraha, iyadoo ay ku daba jireen ciidanka ammaanka.

Meydka ninka la dilay iyo askariga la dhaawacay ayaa la geeyay xarunta CID-da, iyadoo ay tahay markii ugu horeysay ee ciidamadu tallaabo ka qaadaan burcadda faraha ba’an ku heysa suuqaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON