Ciidamada gaarka ah ee argagixiso la dirika maamulka Somaliland ayaa xabsiga dhigay Wadaad caan ah oo lagu magacaabo Sheekh Aadan Suni.
Ciidamada ayaa xalay u dhacay Guriga Wadaadka oo ku yaalla Xaafadda Axmed Dhagax ee Magaalada Hargeysa, halkaasoo ay kala baxeen Sheekha. Wararka ayaa sheegaya in Aadan uu dhaliil u jeediyay maamulka Somaliland isagoo cambaareeyay fal lagu xiray nin Macalimiin Qur’aan ahaa.
Falkii xariga Sheekh ayaa inuu ka dhashay iska horimaad kooban ay kala kulmeen dhalinyaro ku sugnaa Guriga Sheekh Aadan Suni.
Sheekh oo ah Wadaad si kulul u hadla ayaa hore dhowr jeer waxaa u xiray ciidamada, iyadoo markii dambe la sii daayay.