Ciidamada Badda Sacuudiga ayaa qabtay Iiraaniyiin wadatay Doon kalluumeysi oo la sheegay inay ku xadgudbeen xuduudka Badda ee Sacuudiga.
Wasaarada Warfaafinta Sacuudiga ayaa sheegtay in la xiray sadax askari oo ka tirsan ilaalada kacaanka Iiraan. Askartan la xiray ayaa lagu qabtay iyagoo u soo dhowaaday biyaha dalka Sacuudiga gaar ahaan ceelka saliida ee Marjan.
Sacuudiga waxaa uu intaasi raaciyay in ragan la qabtay ay damacsanaayeen inay fal weerar ah geystaan. Waxayna wateen doon la sheegay inay ku soo dhowaatay ceelka shidaalka ee Marjan.
Waxaa sidoo kale baxsatay doon kale oo la sheegay inay la socotay midan la qabtay. Balse dowladda Iiraan ayaa sheegaysay in doomahan la qabtay ay ahaayeen kuwo kaluumaysi ah.
Iiraan ayaa beenisay in dadka Sacuudigu qabatay ay ahaayeen askar, waxayna sheegtay inay ahaayeen kalluumeysato Sacuudigu ku xadgudbay, iyadoo intaas ku dartay in falalka Sacuudiga wado aan la aqbali karin.
Dhowaan ayay ahayd markii ciidamada Sacuudiga ay dileen nin kaluumeyso Iiraan ah kadib markii Doon Kaluumeysi oo ay wateen ay rasaaseeyeen ciidamada Badda Sacuudiga, waxaana sii kordhaya xiisada labada dal ka dhex taagan.