Wednesday, June 25, 2025

Ciidamada Booliska Dhuusamareeb oo Gacanta ku dhigay Gacan-ku-dhiiglihii Walaalkiis ku dilay magaalada

Ciidamada Booliiska ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa goor dhoweyd shaaciyey inay gacanta ku dhigeen nin gacan ku dhiigle ahaa oo xalay saq dhexe magaalada ku dilay walaalkiis.

Eedeysanaha la qabtay ayaa lagu magcaaba Faa’id Salaad Caraale, waxaana goor dhoweyd lagu xiray Saldhiga Booliska magaalada Dhuusamareeb, wuxuuna ku eedeysan yahay inuu dilay Walaalkiis Raage Saalax Caraale, kadib muran soo dhex galay.

Dilka naxdinta leh ayaa xalay ka dhacay Xaafadda Waaberi, waxayna Booliska bilaabeen baaritaanka, kiiska culus ee dilka ah ee keenay inuu ninkan Faa’id dilo Walaalkiis.

Taliyaha Booliiska Dhusamareb ahna Taliyaha Xasilinta Caasimada Gaashaanle Cabdullahi Xassan Macallin ayaa warbaahinta u sheegay inuu xiran yahay Ninkadilka gaystay Baaritaan kadibna, maxkamad lasoo taagi doono.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON