Nin fal dil ka geystay Xaafadda Tokyo ee Degmada Yaaqshiid, G/banaadir ayay gacanta ku dhigeen ciidamada Booliska.
Sida ay sheegayaan dadka degaanka Ninkan ayaa dilka u adeegsaday Toorey, kadib markii uu ku dhuftay nin ay saaxiibo ahaayeen oo ay wada socon jireen oo u dhintay Tooreyd dhowr jeer lala dhacay.
Labada nin ayaa la sheegay inay saaxiibo ahaayeen, balse ninka falka dilka ah geystay uu qabay xanuun xilliyada qaar ku soo kaca oo keenay inuu falkan kula kaco saaxiibkiis, taasoo naxdin gelisay dadka degaanka.
Aabaha dhalay marxuumka la dilay ayaa xaqiijiyey in ciidamada Booliska ay abteen ninkii falka dilka ah geystay, iyadoo marxuumka la dilay isna saaka lagu soo aasay magaalada Muqdisho.