Sunday, July 13, 2025

Ciidamada Booliska oo Albaabada isugu dhuftay Shirkad Daabacaad, Xabsigana u taxaabay Shaqaalaheedii

Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ayaa goor dhoweyd albaabada isugu dhuftay shirkad sameysa Daabaacada, waxayna xabsiga u taxaabeen shaqaalihii xaruntaasi.

Shirkadda ay Booliska gabagabeeyeen ayaa lagu magacaabaa MIDABSAN, waxayna xarunteeda ku taalla agagaarka Isgoyska Shaqaalaha, wadadda Maka Almukarama, waxaana mar kaliya laga war helay ciidamada oo ku qamaamay xarunta shirkadda, kadibna amray in la xiro, waxayna halkaasi ka kaxeysteen shaqaalihii ku sugnaa.

Lama shaacin sababta Shirkadda Midabsan loo xiray, loona qabtay shaqaalaheeda, laakiin warar xogogaal ah ayaa sheegaya in loo heyso daabicidda Boorarka ay adeegsadaan Musharixiinta iyo kuwa looga horjeedo Madaxweyne Farmaajo ee bannaabaxyada Muqdisho loo adeegsado.

Arrintan ayaa qeyb ka ah xaaladda adag ee soo wajahday madaxweynaha waqtigiisu sii dhammaanayo oo xilligan ku howlan ka hortagga mucaaradka iyo banaanbaxayaasha kasoo horjeeda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON