Wednesday, June 25, 2025

Ciidamada Booliska oo gacanta ku dhigay Nin xaaskiisa ku jar-jaray magaalada Muqdisho

Falka naxadin leh ayaa maanta ka dhacay Xaafada Sarkuusta ee Magaalada Muqdisho, kadib markii ay uu Guri ku xirtay kadibna uu Mindi ku jarjaray jirkeeda.

Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Calas Geelle salaad ayaa dilka kula kacay Xaaskiisa oo la sheegay inay dhashayy Afar Carruur ah. Dadka degaanka ayaa sheegay in Ninka dilka geystay uu ahaa qof dhimirka ka xanuunsanoo hore u bogsooday, balse  mar kale xanuunsaday maalmihii u danbeeyay.

Qoyska musiibada ku dhacday ayaa ka mid ahaa barakacayaasha, waxaana xaaska la dilay magaceeda lagu sheegay Hidaayo, iyadoo jirkeeda si xun loo jarjaray, waxaana markii dambe guriga ku jebiyay dadka degaanka markii uu qeyb ka mida jirkeeda dibadda u soo tuuray.

Ciidamada Booliska ayaa gaaray Hoyga uu falka ka dhacay, waxaana la soo qabtay ninka dilay xaaskiisa oo lagu xiray xarunta CID-da oo sidoo kale la geeyay meydka haweeneyda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON