Wednesday, June 25, 2025

Ciidamada Booliska oo howlgallo Nooc cusub ah ka bilaabay Isgoysyada Magaalada Muqdisho

Howlgallo balaaran ayaa ka socda magaalada Muqdisho, kadib markii ciidamada Booliska oo lagu wareejiyay amniga caasimadda oo fara badan la dhoobay igoysada magaalada.

Ciidamada Booliska ayaa lagu arkay wadooyinka Muqdisho, iyadooo ka tiro badan kuwii hore, waxayna baaritaan nooc cusub ah lagu wadaa gaadiidka iyo dadka wata oo laga dejinayo gawaarida, waxayna Ciidamadan ku dhaqaaqeen Howlgallo ka duwan kuwii hore ee ay sameyn jireen ciidamada kale ee amaanka.

Ciidamada Booliska ee la dhigay wadooyinka Muqdisho ayaa waxaa ka muuqda taxadar iyo feejignaan, waxayna isha ku hayaan gaadiidka raaxada iyo kuwo kale ee Dadweynaha, iyadoo la dareemay isbedelka ay ciidamadan ka wadaan wadooyinka Muqdisho.

Taliska Booliska Soomaaliyeed waxaa hadda kusime ahaan u maamula Gen. Zakiyo Xuseen iyadoo uu dalka ka maqan yahay taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON