Ciidamda Booliska ayaa soo bandhigay maanta burcad isbaaro u dhigata dadka shacabka ah oo ka dhacda mobile-ada iyo lacagaha ay wataan.
Kooxdan ayaa si weyn uga qaraaban jirtay degmada Howlwadaag iyo agagaarka suuqa bakaaraha, waxaaan lagu soo bandhigay saldhigga Booliska Howlwadaag. Afhayeenka ciidamada Booliska Qaasim Axmed Rooble inay howlgalka iska kaashaadeen Booliska, Nabadsugidda iyo sahcabka.
Burcad ka kooban 4 nin oo watay Bistoolad iyo Mooto ay dadka ku dhici jireen ayaa lasoo bandhigay, waxaana la sheegay in sharciga la horgeyn doono, iyadoo dadka degaanka ay muddooyinkan ka cabanayeen dhaca lagu fuliyo mootooyin.