Taliye Kuxigeenka Ciidanka booliska Soomaaliya Jen. Zakiya Xuseen Axmed ayaa shaacisay n Ciidamada Booliska ay gacanta ku dhigeen, lana xiray askari boolis ah oo saaka degmada Hodan ku dilay darawal Mooto Bajaaj.
Qoraal ay soo dirtay ayey ku sheegtay taliye ku xigeenka Booliska in sharciga la marsiin doono askariga dilka geystay. “Ciidamada Booliska ayaa soo xiray askari boolis ah oo maanta darawal mooto Bajaaj ku dilay qof kalena ku dhaawacay Tarabuunka, waxaana la marsiinaa sharciga. Marnaba ogaal meyno in askarteena dhib u geystaan shacabka ayay tiri Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.” ayay qoraalkeeda ku tiri Jen. Zakiya
Ciidamada Booliska ayaa hore loogu eedeeya inaysan wax tallaabo ah ka qaadin ciidamda dilalka u geysta dadka shacabka ah, waxaana weli maqan askarigii Isgoyska Howlwadaag ku dilay darawal Mooto Bajaaj iyo abtigiis oo wada socday, falkaas oo dhaliyay bannaanbaxo rabshado watay.