Wednesday, July 9, 2025

Ciidamada Booliska oo xaafad ka tirsan Muqdisho ku dilay Dabley ka tirsaneyd Milteriga

Ciidamada Booliska magaalada Muqdisho ayaa maanta dagaal la galay dabley hubeysan, iyadoo dagaalkaasi  geystay qasaare kala duwan.

Iska hor imaadka ayaa ka dhacay Igoyska Buur Cali Janaale ee Degmada Kaxda, halkasoo ay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska howlgal ka fuliyeen, iyagoo isku dhacay koox burcad ah oo dadka dhac u geysan jiray.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay  in howlgalka  maanta ay qaadeen ciidamo boolis ah, islamarkaana sidii loogu talo galay uu u dhacay howlgalkaasi oo toogasho lagu dilay laba dabley  ah oo la sheegay inay ka tirsanaayeen ciidamada milateriga, waxaana dhaawac soo gaaray Ciidamo Boolis ah

Sidoo kale Ciidanka Booliska ayay la wareegay goobtii ay ku sugnaayeen Ciidanka Milatariga Soomaaliya, xubno ka tirsan maamulka G/banaadir ayaa halkaasi gaaray.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON