Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada booliska ay howlgal ka dhacay magaalada Muqdisho ku soo qabteen koox la sheegay inay ka tirsan tahay Alshabaab.
Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay labo ruux oo hubeysan, kuwaasoo ku sugnaa Guri ku yaalla degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, waxayna saraakiisha Booliska sheegeen inay qabteen xubnahan oo ka tirsan Al-Shabaab oo muddo ay ku daba jireen muddooyinkii ugu danbeeyay.
Dadka degaanka ayaa sheegay in kooxdan ka kooban labadda qof laga qabtay guri ku yaallo Xaafadda Buulo eelay ee degmada Waaberi. Waxaa kaloo la qabtay Qori AK 47 ah oo raggaan la sheegay inay isticmaalayeen.
Wararka ayaa sheegay in raggan ay shaqaaleysiisay Alshabaab uu midkood hore uga tirsanaan jiray Ciidanka dowladda.