Thursday, June 26, 2025

Ciidamada Danab oo dagaal la’aan Alshabaab kala wareegay Degaanka Tooratorow & Alshabab oo ka baxay. (Sawirro)

Ciidanka sida gaarka u tababaran Kumaandooska Soomaaliya -Danab- ayaa Alshabaab kala wareegay degaanka Tooratoorow ee gobolka Shabellaha hoose iyo deegaano kale oo ku dhow.

Wararka ayaa sheegaya in Alshabaab ay xalay ka baxeen degaankaasi oo muhiim u ahaa, iyadoo aanu wax dagaal ah ka dhicinna ay saaka gacanta ku dhigeen ciidamada Danab ee Milateriga Soomaaliya, waxaana degaanka laga qabtay mas’uul ka tirsan Maxkamadda Alshabaab.

Ciidamada Danab ayaa weli ku sugan degaankaasi, waxayan la hadleen dadka degaanka, iyagoo burburin ku haya xarumihii Alshabaab oo isugu jira maxkamad dacwadda lagu qaado, xarumo canshuuraha qaabilsan iyo xafiisyo kale.

Ma aha markii ugu horeysay ee ciidamada dowladda la wareegaan degaanka Tooratoorow, iyadoo waqti kooban kadib ay dib uga bixi jireen, iyadoo Alshabaab uu degaankaasi u muhiimad wen u leeyahay, isagoo ah xarun dhexe oo isku xirta degaanada Sh/Hoose ayka maamulaan.

Image may contain: one or more people and outdoor
Image may contain: one or more people, people standing, outdoor and nature
Image may contain: 1 person, outdoor
Image may contain: one or more people and outdoor
Image may contain: one or more people, people standing, people walking and outdoor

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON