Wararka laga helayo Gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in ciidamada Danab ay gacanta ku dhigeen Gaar laga buuxiyey waxyaabaha qarxa oo la sheegay inuu ku socday magaalada Muqdisho iyo Miinooyina dhulka.
Howlgal ay Ciidamada Danab ka sameeyeen deegaanka Gendarshe ayaa la sheegay inay kusoo qabteen gaari nooca NISSAN SURF oo Kooxda Alshabaab qaraxyo ku rarreen, isla markaana ay la damacsanaayeen inay ku weerarraan magaalada Muqdisho.
Waxaa kaloo howlgalka lagu qabtay qaraxyo ay ka mid yihiin miinooyinka dhulka lagu aaso iyo Maleeshiyaadkii qaraxyadaasi diyaarinayey, waxana warkan laga soo xigtay Taliyaha Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab G/le Ismaaciil Cabdi maalik Maalin oo la hadlay Idaacadda Ciidamada dowlada.








