Thursday, January 27, 2022

Ciidamada Danab oo howlgal ka fuliyey Sh/Hoose (Nin la dilay oo Meydkiisana la qaatay)

Ciidamada Danab ee xoogga dalka ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan Gobolka  shabeellaha hoose, halkaasi oo la sheegay inay ku burburiyeen fariisimo Al-Shabaab ku lahaayeen.

Goolaha howlgallada ay ka dhaceen ayaa waxaa ka mid ahaa Gambaarey, Dawacaale iyo Geediyaan oo ka tirsan gobolka Sh/hoose. Sida lagu sheegay war kasoo baxay taliska Milatariga ciidamada xoogga dalka ayaa baacsaday maleeshiyo ka tirsanaa argagixisada oo Bulshada halkaas ku nool dhibaato ba’an ku hayay.

Dhinaca kale dadka degaanka ayaa sheegay in ciidamada Danab ay qof shacab ah habeen hore ku dilay gurigiisa degmada Wanlaweyn, markii ay usoo dhaceen habeen barkii, yagoo ninkaasi ku dhex dilay Gurigiisa.

Ad

Ninka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Cumarow. markii la dilay ninkan ayaa la sheegay in meydkiisa ay hore u qaateen ciidamada Danab oo ay geeyeen saldhigga Balidoogle.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay taliska Milateriga, kun saabsan howlgalka lagu dilay ninkan iyo eedaha loo heystay midna, waxaana hore falalkan oo kale uga dhaceen degaanada Wanlaweyn.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

160,878FansLike
2,536FollowersFollow
5,942FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

160,878FansLike
2,536FollowersFollow
5,942FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!